Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow UN-ka oo Rajo ka Muujiyey Shirka Soomaalida ee Jabuuti

User Videos

    123    
New Beginning
By: Mohamed Abdi
Blood path of Somalia
By: Abbas Gassem
Somali Independence 1960
By: Abbas Gassem
Groundation - Nelson Mandela
By: Mohamed Abdi
Dagaal Xamar
By: Abbas Gassem

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Login

Syndicate

Get Our News Updates
May 11 2008
UN-ka oo Rajo ka Muujiyey Shirka Soomaalida ee Jabuuti

Written by Ali Moallim,

Published in : News in Somali, Siyaasadda | Somaliya


Jabuuti,(insidesomalia.org)- Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya Ahmadu Ould Abdallah ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in uu furmi doono beri wadahadaladii dhanka nabada ee la doonayo in ay isugu yimaadaan Ergooyin ka kala socda Dawladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Susanah Price oo ah sarkaal ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya qaabilsan ayaa sheegtey in wakiilka qaramada midoobay uu sheegay in beri ay si rasmi ah u bilaaban doonaan wadahadada dhanka dib u heshiisiinta ee u dhaxeeya Dowladda iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Saaka ayaa lagu wadaa in ay kulan isugu yimaadaan Ahmadu Ould Abdallah iyo Ergada ka socota Isbahaysiga Casmara, kuwaasi oo dhexdooda ay ka muuqato inaanay isku raacsaneyn qaabka ay u dhacayaan wadahadalada,

Ergada Isbahaysiga Casmara ayaa wararku sheegayaan in ay u kala safan yihiin laba dhinac, kuwaasi oo qayb ka mid ah uu hogaaminayo Ibraahim Xasan Cadow, halka dhinaca kalena uu hogaaminayo C/raxmaan Dheere.

Ergada uu horkacayo Prof.Cadow ayaa la sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dhacaan wadahadaladu ay bilowdaan sida uu qabo heshiiskii ay Magaalada Nairobi kula gaareen Qaramada Midoobay, laakin dhinaca C/raxmaan Dheere uu hogaaminayo ayaa waxay si adag uga biyo diidsan yihiin in wadahadaladu bilowdaan




Quote this article in website Favoured Print Send to friend Related articles Save this to del.icio.us

Users' Comments  RSS feed comment
 

Average user rating

   (0 vote)

 

No comment posted

Add your comment

Sunday, 11 May 2008
 
Newer news items
Older news items

          Next Page>>

< Prev   Next >